Maxaa looga hadlay Shirka Amniga Jubbaland ? (Sawirro)

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa shir guddoominayay kulan ay iskugu yimaadeen laamaha Amiga kaas oo looga hadlaayey dardar-gelinta iyo xaqiijinta nabadgelyada Jubbaland.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish, Wasiir ku-xigeenka iyo Afhayeenka wasaaradda Amniga Jubbaland, Taliska ciidanka Jubbaland sida Daraawiishta, Booliska iyo Nabad-sugidda Jubbaland iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha ee dhanka amniga.

Kulanka ayaa la isku raacay in lasii xoojiyo Ammaanka Magaalada Kismaayo oo ay ka dhaceyso doorashadda maamulka Jubbaland.