VIDEO: Hay’adda Kaalo Nederland oo xarun farsamo ka hir-gelisay Garoowe (Sawirro)

Duqa Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe Axmed Siciif Muuse ayaa xariga ka jaray Dugsi farsamo oo ay Xaafada Waaberi ee Degmada Garoowe ka hirgelisay Hay’adda Kaalo Nederland, kaas oo lagu magacaabo
Shabeelle Skils Square.

Munaasabadda lagu daah-furayay Dugsigan Farsamo ayaa waxaa ka qeyb-galay Duqa Caasimadda Puntland, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Kaalo Aid and Development, Marti sharaf iyo Bulshada Labada Xaafadood.

Agaasimaha Hay’adda Kaalo Nederland Cabdisalaan Cali Karood, oo ka hadlay Munaasabadda lagu furayay dugsigan ayaa sheegay inay ugu tala-galeen dugsigan inay ka faa’ideystaan Dadka ku nool xaafadda Waaberi iyo Kaamka Shabelle.

Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, ayaa uga mahad-celiyay Hay’adda Kaalo Nederland, hir-gelinta Dugsigan oo ah mid muhiim ah, waxaana uu tilmaamay inuu rajeynayo inay ka faa’ideystaan dadka loo dhisay Dugsigan.

Dugsigan cusub ee ay hir-gelisay Hay’adda Kaalo ayaa lagu baran doonaa Farsamooyin ay kamid yihiin Talista dharka, cilaan saarka iyo Waxbarashada maadiga ah, ayaa waxaa ka faa’ideysan doona Barkacayaasha kunool kaamka Shabelle.