Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ayaa soo gaaray Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad.

Guddiggaan ayaa horay u tagay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya.

Sidoo kale, waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli faahfaahin ka bixin sababta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho Guddigan, xilli ay jirto xiisad dhanka Badda ah oo ka taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.