Deg-deg:-Inqilaab siyaasi ah oo ku dhacay qorshihii Farmaajo iyo Fahad

Gudoomiyaha Baarlamaanka,ayaa magacaabay Guddiga Dib u eegista sharciga Doorashooyinka.

Madaxweyne Farmajo iyo Fahad ayaa doonayey in loo gudbiyo sharciga Doorashooyinka oo ah mid aan la isku waafaqsanayn.

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, Xubnaha Baarlamanka iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa u arka Sharci dhalanteed ah oo Farmaajo iyo Fahad doonayaan in ay ku xalaalaystaan nidaam doorasho oo aan lagu heshiin. Farmaajo,ayaa waday kulamo uu doonayo in lagu ansixiyo sharcigan nasiib darro way ku fashilmeen.

Gudoomiyaha oo og dareenka Baarlamanka ayaa magacaabay Guddi dib u eegis, halka Madaxweynaha uu doonayey in sidiisa lagu ansixiyo ka hor 27 July oo ah maalinta Baarlamaanku xirmayo…

Talaabadan Gudoomiyuhu sameeyay,ayaa udhiganta inqilaab siyaasi ah oo lagu sameeyay hankii Farmaajo.

Dadka la socda xaalka siyaasi ee dalku waxay xaqiijinayaan in maanta Farmaajo qorshihii labada sano ee udanbaysay uu isku soo xirxurayay lakala daadiyay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraaliga ah Mudane Mursal,ayaa qaatay go”aan badbaadiyay Dowladnimada Somaliya ee qarka kasii laad-laaday.

Halkan ka akhriso Gudiga la magacaabay