Golaha Aqalka sare oo ka dooday hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta (Sawirro)

Waxaa goor dhaw soo gaba gaboobay kulankii 11-aad kalfadhigisa 5-aad ee Aqalka Sare BFS, waxaana qeybta hore ee kulanka shir Guddoominayay mudane; Cabdi Xaashi Ca/llaahi, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajengada kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.

Waxaa kulanka soo xaadiray 30 Senotar , iyadoo ay mudanayaasha qaar fikirkooda ku aaddan akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada halkaasi ka dhiibteen.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa soo xiray, Guddomiye kuxigeenka -aad ee Aqalka Sare Senator, Abshir Maxamad Axmad (Bukhaari) oo qeeybti danbe ee kulanka shir guddominayay.