Puntland oo eedeeyn kulul u jeedisay Madaxda DF Soomaaliya (War-saxaafadeed)

War-Saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa mar kale waxaa Eedeyn kulul loogu jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsan in dowladda Federaalka ku howlan tahay burburinta Dowlad Goboleedyada.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad uga walaacsan tahay habdhaqanka hoggaamineed ee Madaxda dowladda Federaalka, kaas oo si cad uga hor-imaanaya geedi-socodka iyo horumarka dalka.

Sidoo kale Puntland ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqday inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan doorashooyinka dowlad Goboleedyada, Galmudug iyo Jubbaland.