Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka wada Shabeellooyinka (Sawirro)

Howlgaladani oo lagu xaqiijinayaya amniga deegaanno dhawaan laga saaray Al-Shababa ayaa ururka 31-aad ee guutada 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaa ay ka sameeyeen deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada Shabeelle.

Waxaa howlgalkaasi hoggaaminayay taliyaha ururka 31-ad ee qeybta 12 April ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow,iyo saraakiil kale,waxaana la arkayayay ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka,kuwaasi oo sameynayay baaritaano ku aadan isu socodka dadka iyo gaadiidka wadooyibnka soo gala deeganaada ay gacanta ku hayaan.

Sarajkiisha ayaa sharaxaad ka bixiyay deegaanada rasmiga ah oo ay Shababa ka saaraan iyo howlgaladii ugu dambeeyey,waxaa ay sheegeen in deegaanada uu gacanta ku hayo ururkaasi 31-aad ee qeybta 12 April laga saaray  Al-Shabaab,isla mar markaan shacabku ay si ammaan ah ku marayaan deegaanadaasi.

Deegaanada howlgaladaasi ay ka socdaan ayaa ah inta u dhexeysa deegaanada xadka labada shabeelle,laga soo bilaabyo afgooye ilaa Balcad nawaaxigeeda,Deegaanada Sabyo, Shirkadda Gumad,Dhiiqaaley,deegaanley iyo tuulooyin kale ayaa kamid ah goobaha ay howlgaladu ka wadaan ciidamada si amniga loo xaqiijiyo.

Gaashaanle Sare Maxamed Maxmuud Guutaale (Qataatow) ayaa sheegay inay  dhawaan fashiliyeen isku dayo ay Shabaab ku doonayeen in qaraxyo ay ku soo geliyaan Muqdisho,isagoo intaasi ku daray in wada shaqeyn buuxda ay ka haystaan bulshada deegaanadasi kunool sida uu hadalka u dhigay.