VIDEO: Maxaa looga hadlay kulankii RW Kheyre iyo Wakiilada BC ? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)  Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaaladaas  gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada Al-Shabaab  uga sugan yihiim Galmudug.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.