Wararkii ugu dambeeyay ee qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, waxaana la arkayay qiic iyo uuro cirka isku shareeray.

Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in goob ciidamada amniga ku baaraan gaadiidka uu qaraxa ka dhacay, uuna ka dhashay khasaare dhimasha

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa goobta gaaray, kuwaasoo durbaba xiray, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxa.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News