Akhriso: Magacyada Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Jubbaland

Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay liiska Magacyada Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Odayaasha soo xulaya Xildhibaannada Jubbaland ee la shaaciyay ayaa gaaraya 135 Oday ,kuwaasoo la sheegay inay matalayaan Beelaha ay ka kooban yihiin dadka Soomaaliyeed.