BF Soomaaliya oo u yeeray Wasiir Cawad & Safiirka Qatar oo la eryayo

Iyadoo saacadihii lasoo dhaafay uu baahiyay Wargeyska New York Times, warbixin ku saabsan Qalalaasaha amni ee jira Degaanada Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso inay ka dambeyso Dowladda Qatar, ayaa waxaa haatan ka socda Magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ka socda Shirar looga hadlayo arrintan.

Wararka ayaa sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiga arrimaha Dibedda ay u yeereen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Amb. Axmed Ciise Cawad, kaas oo ay wax ka weydiinayaan Warbixintan uu shaaciyay Wargeyska New York Times iyo waxa ay kala socoto Dowladda Federaalka Soomaaliya Xaaladaha amni xumo ee Qatar ka wado Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ay u yeertay Safiirka Qatar, lagana yaabo in Safiirka laga ceyriyo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Magaalada Garoowe waxaa ka socda Shirar looga hadlayo arrintan, Iyadoona la filayo in Madaxtooyadda Puntland ay War-saxaafadeed kasoo saarto dhibaatooyinka amni darro iyo Maal-gelinta Dowladda Qatar ay siiso Argagixisada ku sugan Degaanada Puntland.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa aad la sheegay inay uga carootay Warbixinta, waxaana la sheegay in shir xalay ka dhacay Xerada Xalane looga hadlay sidii looga gaashaman lahaa, sidoo kalena loo burburin lahaa Shabakadaha Argagixiso ee ay maal-galiso Qatar, iyagoona waraaq la sheegay inay gaar siiyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiriir dhow la leh Qatar.

Wargeyska The New York Times ayaa daabacay in ay dhagaysteen sheekada dhex martay ganacsade Qatari ah iyo safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya, Iyadoona ganacsadaha Qatar uu sheeganayo in weerar qarax ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ay ka dambeeyaan maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.