Video:-Dowladda Qatar oo sheegtay in aysan ka dambeyn dilalka iyo qaraxyada Boosaaso (War-saxaafadeed)

Dowlada Qadar ayaa beenisay war lagu daabacay wargeyska New York Times oo ahaa inay ka dambeysay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

War ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Qadar ayaa lagu sheegay in siyaasada dalkaas ay marwalba tahay mid abuureysa xasiloonida iyo horumarka.

“Dowlada Qadar ma farageliso arrimaha gudaha ee wadamada kale,ciddii ku kacaysa fal arrinkaas la xiriirana ma aha mid ka wakiil ah dowlada Qadar.”ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay dowlada Qadar.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay tahay tan doonaysa in ay ka faa’ideysato oo ay maamusho dalka Soomaaliya iyadoo dhaqaale ku bixinaysa.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in ganacsadaha Khalifa al muhannadi uusan ahayn lataliye dowlada Qadar,isla markaana uusan wakiil u ahayn dalka Qadar.

“Waxaan ku sameyn doonaa baaritaano ninkan waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadaladii uu sheegay.”ayaa lagu yiri qoraalka,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka