Hot Topics

Maxaa ka jira in Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Deni ?

Baraha Bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay Warar sheegaya in Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Puntland.

Wararka oo hadal-heyntooda saaka laga dareemayo qeybo kamid ah Degaanada Puntland, gaar ahaan Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Shabakadda Idil News waxaa ay sameysay xiriiro ay ku xaqiijinayso run ahaanshahooda.

Ilo-wareedyo rasmi ah oo ay ka ag-dhow Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa inoo sheegay in uusan jirin wax Mooshin ah oo laga keenay Madaxweyne Deni, balse wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in lagu jahwareeriyo Shacabka Puntland.

Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland oo la hadlay Shabakadda Idil News, ayaa sheegay in uusan jirin Mooshin laga keenay ama laga waddo Madaxweynaha Puntland, waxaana ay sheegeen in cida warkaas wadaa ay tahay kuwo diidan Nabadda iyo Barwaaqada 21 sanno jirsatay ee Dowladda Puntland.

Warkan ku saabsan in Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Deni, ayaa soo baxay saacado kaddib markii Xildhibaano kamid ah Baarlamanka Dowladda Puntland ay ugu baaqeen Madaxweynaha in lasii daayo xubno kamid ah Guddiga Dhismaha Wadada halbowlaha ah ee Boosaaso, kuwaas oo loo heysto inay hareer mareen Sharciga iyo jiritaanka Dowladda Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Wararkan been abuurka ah ee la xariira in Mooshin laga keenay Madaxweynaha Puntland, ayaa kusoo beegmaya iyadoo horey baraha Bulshada loogu baahiyay warar sheegaya in la xirayo xubno kamid guddiga dhismaha Garoonka Cawaale ee Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo uu beeniyay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.