Video:-Cawad oo baalgelin usameeyey maalgalinta Qatar Ee qaraxyada Bosaso!!

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriirishay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi siinayey laanta afka Somaliga ee VOA,ayaa sheegay in ay arrintan kala hadleen dowladda Qatar ayna beenisay.

Wasiirka waxa uu sheegay inuu u yimid safiirka Qatar ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey.

jawaabta Wasiirka arimaha dibada ee Somaliya Cawad waxuu ka hor imaanaya hadalkii Madaxweyne Deni uu ku sheegay in ay xogtaas dhab tahay,isla markaana ka codsanayo labada aqal ee Baarlamaanka Fadaraaliga ah in ay baaritaan ku sameeyaan.

Wayska cadayd in Dowlada Villa Somaliya,ay sidan uga jawaabi doonto eedaynta Qatar ee xogta Jariirada NY Times.madaama uu Fahad Yaasiin oo arimahan wax badan ka og saamayn xoog badan ku leeyahay Villa-da

Dhacdooyinka ugu waa weyn ee la tuhmayo in sirdoonka Qatar ay ka fuliyeen,iyagoo kaashanaya kuwa Dowlada Somaliya gudaha Puntland,waxaa ka mid ah.

B.Qarax xoog badan oo lala eegtay Gaari ay lahaayeen Ciidamada Badda Puntland oo ay taageerto Dowlada Imaaraadka,kaasoo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay sheegteen.

T.Qarax ka dhacay maxkamada Bosaso oo ay sheegatay kooxda argagixisada ah ee Daacish.

J.Dilkii madaxii Shirkada DP World ee maamusha Dekeda Bosaso oo ay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab sheegteen.

Sidoo kale waxay Dowlada Qatar oo sii maraysa Hay’adaha Fadaraaliga ah ee Dowlada Somaliya maalgalisaa mashruuc 
khalkahlgalin ah oo layskaga horkeenayo shacabka iyo Xukuumada Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka xogta NY TIMES

Jibril Qoobey.