VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Warbixintii New York Times

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Warbixin uu saacadihii lasoo dhaafay baahiyay Wargeyska New York Times, taas ku saabsan Qalalaasaha amni ee jira Degaanada Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso ay ka dambeyso Dowladda Qatar.

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Xarunta Jaamacadda PSU Garoowe, oo uu kaga qayb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe, inay tahay dhab in Dowladda Qatar ay ka dambeyso Weerarada Qaraxyada iyo dilalka ah ee ka dhaca Degaanada Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

“Waxaan qirayaa inuu xaqiiqo yahay warka lagu daabacay New York Times ee looga hadlayay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Boosaaso, kuwaas oo la sheegay inay dowladu nagu dul hardamayaan, golaha Shacabka iyo Aqalka sarre waxaan ka codsan inay baaritaan kusameeyaan arintaas” Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.