VIDEO: Maxkamadda Gobalka Bari oo sii deysay xubno ay xirtay Puntland

Maxkamada Darajada Koobaad ee Gobolka Bari ayaa xorriyadoodi dib ugu soo celisay Masuuliyiintii Guddiga dib u dhiska Wadada halbowlaha ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Masuuliyiinta oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, ayaa Goor-dhaweyd la soo taagay Maxkamadda Gobalka Bari, Iyadoona dhageysi Eedeeynta loo jeediyay iyo difaaca Qareenadooda, kaddib ay Maxkamaddu go’aamisay in dib xoriyadooda loo siiyo Masuuliyiintan.

Sidoo kale, Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Bari ayaa go’aamisay in lacagtii ka timid Dowladda Federaalka ah lagu wareejo xukumada Puntland.

Masuuliyiintan kamidka ah Guddiga dib u dhiska Wadada halbowlaha ah ee Magaalada Boosaaso, ayaa loo xiray lacag ay ka qabteen Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo sifo sharci darro ah ay u qabteen, sidoo kalena u isticmaaleen.

Si kastaba ha ahaatee, sii deynta Masuuliyiintan, ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweynaha Dowladda Puntland. Dr. Siciid C/llaahi Deni, uu maanta ka hadlay xirnaanshaha Xubnahan, isagoona sheegay inuu ku kalsoon yahay in Sharcigu uu si wanaagsan u maalmulayo Kiiska lagu eedeeyay ayna heli doonaan Cadaalad.