Al-Shabaab oo weeraro ku qaaday saldhigyo ay lee yihiin Ciidanka Dowladda

Dagaalamayaal katirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhiga la weeraray lagu tababarayay Ciidamo ka mid noqon doona kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada ilaalada ka haya Xarunta iyo Xubnaha Ururka Al-Shabaab ee weeraray.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinaca kasoo gaaray dagaalkaas, waxaana dadka Tuulada Ceel-Jaale ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta la isku adeegsanayay, hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraaha ka dhashay maadaama xilli habeen ah ay aheyd.

Dhanka kale, dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay  Tuulada  Ceel-saliini oo u dhow deeganka  lambar 50 ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay xalay Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ee deegaankaas.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu xalay ka dhashay dagaalkaas, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ayaana weli ka hadlin.