Boris Johson oo maanta noqonaya Ra’isulwasaaraha Britian

Xisbiga Conservativeka ayaa Talaadadii shalay u doortay in Boris Johson uu noqdo hogaamiyaha xisbiga, kaas oo beddeli doona Theresa May. Arrintan ayaa waddada u sii xaareysa inuu Arbaca maanta ah marti qaad ka helo boqortaayada si loogu magacaabo RW-ha cusub ee Britain.

Ninkan oo ah suxufi hore, marna soo noqda duqa magaalada London ayaa noloshiisa dhamaanteed ku taamayey xilkan uu hadda qabtay, hase yeeshee, ay shaqo aad u adagi hortaallo.

Falaago xisbigiisa kula jirta oo uu hormood ka yahay mudane lagu magacaabo Philip Hammond ayaa isaga u caddeeyey in haddii uu isku dayo in Britain uu heshiis la’aan kaga saaro M. Yurub, ay codkooda ku biirin doonaan xisibiyada mucaaradka ah si ay xukuumaddiisa u ridaan, arrintaas oo keenaysa doorasho xiligeedii laga soo hor mariyey, taas oo ay u egtahay in xisbiga conservative-ku aanu ku guulaysan doonin.