DF Soomaaliya oo ka hor-timid Liiska Odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Jubbaland (Akhriso)

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in liiska  Magacyada Odayaasha la soo saaray aysan aheyn kuwii saxda ahaa, sidoo kalena musharixiinta aysan sidiiwaangelin Karin ilaa la soo xulo Xildhibaannada.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay diyaar u tahay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland kala Shaqeyso diyaarinta Odayaashii saxda ahaa ee u diiwan gashay Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ka digtay dhibaatada ka imaan karto hadii la guda-galo soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyada oo aan si sax ah loo marina ama la saxin liiska Odayaasha Dhaqanka.