Puntland oo baahinaysa baaritaanka dilkii Madixii DP World ee Dekedda Boosaaso (War-saxaafadeed)

War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa mar kale looga dalbaday Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Puntland ayaa ballan-qaadday in ay taageeri doonto si buuxda ula shaqeyn doonto baaritaan kasta oo ku saabsan eedaymaha loo jeediyay Qatar ee sheegaya in ay ku lug-lahayd qaraxyadii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada kasoo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay Magaalada Boosaaso, gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda PO&Ports Paul Anthony Farmosa.