Shirkadda Batroolka Qatar oo baareysa Shidaalka Xeebta ay ku muransan yihiin Kenya iyo Somalia.

Shirkadda Batroolka ee dowladda Qatar (Qatar Petroleum) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Shirkaddaha Eni iyo Total, si ay saami dhan 25% ugu yeelato sahminta shidaalka saddex Baloog oo ku yaala Xeebaha Kenya.

Qoraal Twitter-ka ku shaacisay Shirkadda Qatar Petroleum ayaa lagu sheegay in 25% ay ka heshay Shirkadaha Eni iyo Total oo kala ah (13.75% Shirkadda ENI iyo 11.25% Shirkadda Total), waxaana meelaha sahminta shidaal ee ay heshiiska ku qaadatay ka mid ah saddex balloog oo kala ah L11A, L11B iyo L12.

Shirkadda ENI ee laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa horay loogu eedeeyay inay baaritaan sharci darro ah ka wado dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso ee ka tirsan Soomaaliya oo ay ka sameyneysay shidaal baaris.

Tani ayaa waxay shaki gelineysaa saameynta Qatar ay in-dhawaalaba ku laheyd muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhulka ay Kenya sheeganeyso, waxaana horay u jiray hadal heyn ku aadan in Qatar ka mid tahay dalalka cadaadiska ku saaraya Soomaaliya inay wada hadal ka gasho arrinta Muranka Badda ee u dhaxeeya iyaga iyo Kenya.