VIDEO: Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil Ciidan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan uga qeyb galaya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som munaasabad tababar loogu soo xirayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo munaasabadda ka ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Saldhiga turkiga uu ku leeyahay Magalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Munaasabada tababarka Saraakiisha loogu soo xirayay ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo saraakiil xigeenada tababarka la siiyay in waxyaabhihii la soo baaray Shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan.

Waxaa uu sheegay in Saraakiishaan looga baahan yahay inay noqdaan kuwa wadaniyiin ah oo aaminsan inay dalka leeyihiin,isla markaana muhiim ay tahay inay dalkooda difaacaan una Shaqeeyaan,waxaana dowladda Turkiga uu ugu mahad celiyay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Waa dufcadii labaad oo saraakiisha heerkaan ah ee ka qalin jebiya Dugsiga Tababarka ee Turk-Som ee Magalada Muqdisho,waxaana xerada weli ka socda tababar la siinaayo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.