VIDEO: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo kulan la qaatay dhallinyarada Qardho

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay dhallinyarada magaalada Qardho, kulankaas oo looga hadlaayey doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalka.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha gobolka Kar-kaar, Duqa degmada Qardho, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah oo dhallinyaradu ay kaga hadlayaan horurmarinta Puntland iyo sidii ay qaybtooda u qaadan lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada Puntland ay tusaale lagu daydo u yihiin dhallinyarada dhiggooda ah.

Madaxweyne Karaash ayaa dhallinyarada ku booriyey inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee waddanka yaala, kuwaas oo ay ka midyihiin tabcashada Beeraha, Kalluumaysiga iyo farsamada gacanta, waxaana uu caddeeyey in dowladda Puntland ay dhinacyadaasi xoogga saari doonto horumarintooda.

Ugu dambayn, Madaxwweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhallinyarada kula dar-daarmay inay ilaashadaan Amniga iyo horumarka Puntland, waxaana ugu dambayn uu shahaado sharaf guddoonsiiyey duqada degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan, taas oo dhallinyaradu ay ku maamuuseen.