Video:-Wararkii ugu danbeeyay Ee Qaraxii xarunta G.Banaadir

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qarax ka dhacay xarunta maamulka gooblka Banaadir oo mas’uuliyiin ay ku dhinteen.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in qaraxa galabta ay ku dhinteen lix ruux, oo laba ka mid ah ay yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo seddex agaasime.

Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale qarax ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada:

1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad

2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi

3 – Guddoomiyihii Shangaani Sahra Markeyzi

4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane

5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.

5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye

6 – Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Injineer Shuuriye.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan qaraxa islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan.

Halkan ka daawo muuqaalka