Puntland oo ka hadashay Qaraxii xarunta Maamulka Banaadir (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Qaraxii lagu weeraray xarunta Maamulka Gobalka Banaadir, isagoona ka tacsiyeeyay Dadkii ku geeryooday Qaraxa, sidoo kalena dadkii dhaawacmay uu ku caafiyo.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa waxyeelada qaraxii maanta ay cadawgu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladd Puntland iyo shacabkeeduba waxa ay tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey falkaasi arxandarada ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ee falkaasi arxandarada ah ku shahiidey. Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Alle “SWC”u waydiinayaa inuu u boogadhayo intii ku dhaawacantay.