Ra’iisulwasaaraha Cusub ee Britain oo Walaalkiis xil u Magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Britain Boris Johnson ayaa xil cusub u Magacaabay walaalkiisa Jo Johnson, xili uu Maanta ku dhawaaqay qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada, Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Boris ayaa walaalkiis Jo Johnson u magacaabay wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga, tamarta, warshadaha iyo waxbarashada ee dalkaasi Britain.

Xubnaha Wasiirada ah ee uu Magacaabay Boris Johnson aya la sheegay inay yihiin kuwo uu u adeegsanayo inay taageeraan qorshaha dowladda Britain uga baxeyso Midowga Yurub,isla markaana ay ku qanacsan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Britain Boris Johnson aya balan qaaday in dowladda Ingiriiska ay Midowga Yurub ka bixi doonto dhamaadka Bisha Oktoobar ee sannadkan 2019 hadii aan heshiis laga helin Midowga Yurub.