VIDEO: Jubbaland oo joojisay wada-shaqeyntii & isku socodkii XF Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golaha wasiiradu ay tacsi u Direen Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii Argagixisanimo ee ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir golaha Wasiiradu waxay Allah uga baryayaan caafimaad taam ah dadkii halkaas ku dhaawacmay.

Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay xaaladaha amaanka Jubbaland wakhtiga doorashooyinka waxaana golahu uu sheegay in Hay’adaha amaanku ay si adag u sugaan nabadgalyada mudada lagu jiro howlaha doorashooyinka si looga hortago isku dayada argagixisadu ku doonayso dhibaataynta shacabka.

Intaas kadib waxaa golahu dood dheer ka yeeshay faragalinta qaawan ee Dowlada Federaalku ku hayso hanaanka doorashooyinka Jubbaland iyo khalkhalgalinta joogtada ah waxaana golahu uu soo saaray in la hakiyay maanta laga bilaabo wada shaqaynta iyo isku socodka Xukuumada Federaalka ah iyo Jubbaland go’aankaas ayay golahu gacan taag ku meel mariyeen dhamaan Shacabka ree Jubbaland ayaa loogu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo aan mara la kala qaybin.