VIDEO: Natiijada imtaxanka dugsiyada Dhexe ee Jubbaland oo la shaaciyay

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay in sanadkaan uu aad u kordhay Ardayda natiijada wanaagsan ka keenay imtaxanka dugsiyada Dhexe.

Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ayaa sheegtay in Imtixaanka dugsiyada dhexe ee sanadkaan ay ku baaseen Arday gaareysa 1,814, waxaana aad u yar Ardeyda dhacday oo ah 23 Arday kuwaasi 15 wiil iyo 8 gabdhood.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa shaaciyey natiijada guud ee imtixaanka dugsiyada dhexe.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ee Dowlad-goboleedka Jubbaland oo la qaaday 1 ilaa 4 bishii March islamarkaana lagu galay 14 xarumood oo ku yaalla gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo ayaa sanad dugsiyeedka 2018/2019 waxaa u fariistay Arday gaareysa 1,837, Ardeyda Imtaxaanka gashay ayaa isugu jira 1,144 wiil iyo 693 gabdhood.