Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Eng. Yariisow

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan, oo
Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay inay soo hagaageyso xaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow), isagoo ugu baaqay shacabka inay is dejiyaan.

“Waxaa illaah mahadii ah in xaalada Caafimaad ee Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ay aad usoo Hagaageyso, shacabka Soomaaliyeed, ee samaha iyo Wanaagga Jecel, waxaan ka codsaneynaa in ay is-dejiyaan, isla markaana ducada ugu soo kaalmeeyaan intii shalay waxyeelada kasoo gaartay falkii wuxuushnimada ahaa”ayuu yiri Saalax Dheere.

Guddoomiye Yariisow ayaa dhaawiciisa ahaa mid culus, waxaana lagu daweynayaa Isbitaalka Digfeer, waxaana xaaladiisa la tacaalaya dhaqaatiirta Turkiga, waxaana wararku sheegayaan in laga yaabo in loo qaado dalka dibaddiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hoolkii uu shirka ka socday, kaas oo galaaftay Nolasha illaa todobo ruux oo ay ku jiraan saddex Guddoomiye degmo, saddex agaasime iyo La Taliye, tiro kalena ku ay dhaawacmeen.