Ciidan ka socda Uganda oo soo gaaray Muqdisho

Ciidamo cusub oo gaaraya 625 Askari ka mid noqonaya Howlka AMISOM, kana socda Dalka Uganda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay maalintii Jimcaha xafiiska Qaramada Midoobey ee (UNSOS) ayaa lagu sheegay in ciidamadani ka qayb qaadanayan ilaalinta Shaqalaha iyo Xafiisada qaramada midoobey ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in Ciidanka cusub ay si deg deg ah u dalbatay Beesha Caalamka, kaddib kulan ka dhacay Xarunta Xalane oo ay ka qeyb-galeen Safiirada Beesha Caalamka, kaas oo la isku waaqay in xaalada amni ee Soomaaliya ay faraha kasii baxayso.

Keenista Ciidanka ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu fashilmay Weerar la qorsheeyay oo la doonayay in lagu dilo safiirka cusub ee Qaramada Midoobay James Swan, kaas oo ka dhacay Xarunta Gobalka Banaadir, ayna ku dhinteen guddoomiyaal Degmo, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Masuuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng. Yariisow.