Ciidan Kumaandoos ah oo tababar loogu soo xiray Turkiga (Daawo Sawirro)

Waxaa dalka Turkiga tababar loogu soo gabagabeeyay qeybtii labaad Ciidamo Kumaandoos ah oo muddo sanado ah tababar ku qaadanayay dalkaas.

Munaasabad tababarka loogu soo xirayay Ciidamadan Kumaandooska ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa Arrimaha Ciidamada ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Jen. Maxamed Maxamuud Garabey iyo Saraakiil ka tirsan Turkiga.

Ciidamadan Kumaandooska ee tababarka loo soo gabagabeeyay ayaa waxay tiradooda gaareysa 330 Askari, kuwaasoo noqonaya qeybtii labaad oo Tababar ku soo qaata dalka Turkiga, waxaana Ciidankan lagu wadaa inay dhowaan dalka dib ugu soo laabtaan.

Turkiga ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana sanadihii u dambeeyay uu xoojiyay taageerada, qalabeynta iyo tababarka ay siinayaan Ciidamada Soomaalida.