Dhuusa-mareeb: Xiisad ka dhex-taagan Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Ururka Ahlu-sunna

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inay ka taagan tahay Dhuusa-mareeb Xiisad u dhexeysa Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Ururka Ahlu-sunna Macalin Maxamuud.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadan oo maalmihii ugu dambeeyay jirtay ay soo shaac baxday xalay, kaddib markii Ra’iisulwasaare kheyre uu ciidamo ka dalbaday Magaalada Muqdisho.

Xiisadan ayaa timid kaddib markii Ahlu-sunna ay Ra’iisulwasaaraha u sheegtay in aysan aamin dambe u heyn, uuna isaga dhaqooqo Dhuusa-mareeb, maadama uu uga baxay Balamo ay wada galeen imaanshihiisii Degaanka kahor.

Sidoo kale, Wararka ayaa tilmaamay in Khilaafkani uu salka ku hayo ismari waa ka dhashay Cida Hoggaanka ka noqonaysa Galmudug-ta cusub ee ay wada dhidbayaan Ahlu-sunna iyo Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamo ka amar qaata Macalin Maxamuud ay la wareegeen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, kaas oo ay kasoo degi rabaan Ciidamadii uu dalbaday Mr/ Kheyre.

Xaalada Magaalada ayaa lasoo warinayaa inay haatan aad u kacsan tahay, Iyadoona ay fashilmeen dadaalo la isku fahansiinayo Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Guddoomiyaaha Ahlu-sunna.

Wixii Kasoo kordha kala Soco Idil News.