VIDEO: Madaxweyne Dani “Dadkeenii maanta Facebook ayey ku jiraan qoraal dheerna ku dhiiranmayaan”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casho sharaf u sameeyey martida kasoo qayb gashay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay, waxay ka yimaadeen dhammaan geyiga Soomaalidu degto iyo qurbahaba.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha Ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, qaban-qaabiyayaasha Bandhigga, abwaano iyo masuuliyiin kale oo madasha lagu casuumay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dardaaran iyo sagootin ah u jeediyey martidii kasoo qeyb gashay munaasabadda casho sharafta ah. Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay inay xoojiyan hal-abuurkooda iyo qoraaladooda. Waxa uu sidoo kale soo jeediyey in buug laga qoro bandhigyada noocan oo kale ah si loo helo dhitada wixii qabsoomay iyo horumarka kusoo siyaaday sanad walba.

“Runtii fursad bay ii tahay caawa in aan sii dardaarano, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maskaxdii bulshada Soomaaliyeed oo caawa Garoowe ku kulansan in aan la kulmo, aad bay waxay iigu tahay sharaf, waxaana ka mahadcelinayaa cid walba oo fursadaas noo samaysay dadkii qaban qaabiyey Bandhigga Buugaagta”.

“Waan idiinka mahadcelinayaa doorkii aad ka qaadateen in aad dadka Soomaaliyeed aqoontooda wax ku biirisaan, baahida dadkiinu idiin qabaan weli waa jirtaa , waxaa ani ii muuqday buugaagta la qoro iyo habka dadka maanta wax u fahmaan in farqi weyn u dhaxeeyo, dadkeenii maanta FACEBOOK ayey ku jiraan qoraal dheerna ku dhiiranmayaan in ay akhriyaan marka arrintaas bal dib u eegis ku sameeya”. Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni,