XOG-WARAN: Fahad Yaasiin oo loo diiday Shir amni oo ka socday Xerada Xalane & Dacwad

Ku-simaha Agaasimaha ahna Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin, ayaa loo diiday inuu ka qeyb-galo Shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Shirkan oo looga hadlayay xaalada amni ee Soomaaliya iyo Qaraxyada muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay Muqdisho, ayaa u dhexeeyay Beesha Caalamka, Khubaro amni oo Soomaali ah iyo Saraakiisha Ciidanka AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu tagay xarunta, balse Ciidanka AMISOM ay ku war-geliyeen in lagu amray in uusan soo geli Karin xarunta, iyadoona la sheegay inuu ka carooday arrintaas Mr. Fahad.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu damcay inuu xoog ku galo Xerada Xalane, ayna fowdo ka sameeyeen Ciidankiisu afaafka hore ee xarunta, taas oo ka careysiisay xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo dacwad ka dhan ah u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yasin iyo xubnaha sar sare ee ee Hay’adda NISA ayaa inta badan lagu tuhmaya iney gacan saar la lee yihiin kooxda Al Shabaab, waana mida sababtay in loo diido Xalane ,sidoo kale waxaa loo jaray wada shaqeyntii, gaar ahaan xogtii lala wadaagi jiray NISA