Ahlu-sunna oo madaafiic geysay Garoonka Diyaaradaha iyo Ciidankii oo Hawada

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib loogu celiyay magaaladaas Ciidamo Dowladda Federaalku ay u dirtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo horey loogu daabulay diyaarado.

Celinta Ciidamadan ayaa timid kadib markii Ahlusuna Ciidamo fara badan ay dhigtay garoomada diyaaradaha ay maamulaan, kuwaas oo wacad ku maray inay gubayaan Diyaarada sida Ciidanka.

Askartan oo 100 ka badan ayaa lagu celiyay Hawada, waxaana qorshahooda uu ahaa inay ka degtaan magaalooyinka Cadaado ama Gaalkacyo, si ay safar dhanka dhulka ah ugu soo galaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, uu ku amray Saraakiisha Ciidanka inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho, maadaama ay is bedeshay xaaladda ay saadaalinayeen.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa la soo sheegay inay xalay isku mari waayeen wada-hadal ku saabsanaa khilaafka ka dhex bilowday, kaas oo salka ku haya Ciidamo ay Dowladda Federaalku doonaysa inay geyso Dhuusa-mareeb, taas oo Ahlu-sunna ay u aragto Khiyaamo ay wadato Villa Soomaaliya.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.