Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha Arrimaha Bani’aadanimada

Shirkan oo seddexdii bil mar la qabto ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hadlo Xaaladda Bani’aadanimo ee Dalka iyo la socoshada iyo sixida hanaanka bixinta gargaarka bani’aadanimo.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Madax kala duwan oo ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamul goboleedyada Dalka, madaxda hay’adaha qaramada midoobey, Hay’adaha caalamiga ah, kuwa aan dowliga ahayn, deeq bixiyeyaasha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Shirka oo socday maalin barkeed ayaa lagu lafa guray 2 arimood oo aaad muhiim ugu ah gargaarka kuwaan oo ah:

Daadajinta gargaarka heer Federaal, gobol, Degmo ilaa heer tuulo.

Iyo sixida wada shaqeynta Dhamaan dhinacyada ka shaqeeya gargaarka.

Gabagabadi shirka ayaa waxaa la isku raacay war-murtiyeedka hoos ku qoran:

In la xoojiyo wada shaqeynta iyo xog wadaagga Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka heer Federal iyo Wasaaradaha/Hay’adaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad Gobaleed.

In laga wada shaqeeyo sidii hoos loogu daadejin lahaa arimaha gargaarka iyadoo la gaarsiinayo heer tuulo si loo dhiso awooda u adkeysiga iyo dhaqso ka jawaabida musiibooyinka dadka heer gobol, heer degmo ilaa heer tuulo.

In la joogteeyo kulamada iyo shirarka si ay taas u noqoto fursadd Aqoon-Wadaag iyo iskaashi Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka heer Federal iyo Wasaaradaha/hey’adaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad Gobaleed.

Madasha waxay cadeynaysaa in Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlada Federaalka Soomaaliya ay tahay albaabka ugu horeeya ee laga soo galayo wax kasta oo la xidhiidha gargaarka arrimaha bani’aadaminimada iyo maareynta musiibooyinka.

Madashu waxay ka codsatay deeq bixiyeyaasha in ay taageeraan “qorshaha 2019 ee ka jawaabida Saameynta Abaaraha” kaasoo ay si wada jir ah u soo bandhigeen MoHADM-Somalia iyo UN-OCHA taariikhdu markay ahayd 13’kii Luulyo 2019

In bixinta gargaarka sal looga dhigo shuruucda afarta ah ee jiheeya gargaarka Bani’aadanimo kuwaas oo kala ah: Bani’aadanimo, Daacadnimo, Dhexdhexaadnimo iyo Madax banaani.

Madashu waxay isku raacday in Madasha xigta lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamul Goboleedka Galmudug 22’ka Oktoobar 2019.