Axmed Karaash oo ka qaybgalay Shirka Isku Xirka Howlaha Laamaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsidaha DFS (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Shir looga hadlayo isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Garoowe Caasimadda Puntland.

Shirkaan oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay’adda, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Puntland Cabisamad Gallan, Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Madaxda Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga ee kala duwan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay shaqada Hay’adan, waxaana uu tilmaamay inay si dhow u wada shaqeeyaan, loona baahan yahay in lasii laba jibbaaraan howlaha baaxadda leh ee ay Ummada u hayaan.

Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Hay’ada Socdaalka ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan, waxaana uu ku ammaanay shaqada Muhiimka ee ay hayaan, isla markaana Puntland diyaar u tahay in mar walba ay xoojiso arimaha wada shaqaynta ay la leedahay hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya.