Koonfur Galbeed oo digniin u dirtay Ergadii soo xulay BFS

Taliska Ciidanka gaarka ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa digniin adag u diray Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay dhawaan u yeereen Al-Shabaab, kaddib kulan looga hadlayo amniga oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Taliska Booliska,waxaana digniin loogu diray ergada soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya si aysan u qaadan amarkii dhawaan ay Al-Shabaab Ergada ugu yeereen deegaanadooda.

Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Booliska Koonfur Galbeed Kornmeel Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in Amarka kasoo baxay  Al-Shabaab ay ka leeyihiin laba u jeedo oo kala ah inay lacag farabadan ka qaadaan Odayaasha ama ay weeydiiyaan in uu iibiyaan Hub ay ku dagaalamaan.

Waxaa uu sheegay in Ergada qaarkood ay qaateen amarkii Al-Shabaab oo ay tageen deegaanadooda kuwo kalena ay amarkaas diideen,waxaana uu sheegay in qof alaala qofkii qaata Amarka Al-Shabaab ay Xabsiga dhigi doonaan,isla markaana tallaabo ay ka qaadayaan.

“Ergada loo yeeray qaar waa ay diideen qaarna waa ay ogolaadeen,kuwii ogolaaday,waxaana leeyahay Magalada baydhabo kusoo noqon meysaan Shabaab baa tihiin,hadii aad soo laabataana Xabsiga ayaan idin dhigeynaa ayuu yiri Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeed”.

Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa xilligaan waxaa ay wajahayaan culeyso waaweyn, iyada oo hanjabaad ay uga kala imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Ururka Al-Shabaab.