Mukhtaar Roobow oo laga saarayo Xabsiga Hay’adda NISA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe xabsiga Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya uga saarayso Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Maansuur).

Wararka ayaa sheegaya in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in Abu Maansuur, oo kamid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-Shabaab, soona noqday ku-xigeenka iyo Af-hayeenka Shabaab ay galiso xabsi guri.

Qorshaha Dowladda Federaalka ayaa waxaa aad uga carooday Kooxda u olalaysa sii deynta Mukhtaar Roobow, iyagoona sheegay in Dowladdu ay dooneyso inay dayacdo amniga Roobow, si ay u beegsato Kooxda Al-Shabaab oo sanado badan uu dagaal kula jiray.

Sidoo kale, Olaleeyayaasha sii deynta Roobow ayaa sheegaya in aysan aheyn mid la aqbali karro in Roobow uu kusii jiro gacanta Dowladda Federaalka iyo Xabsi, maadama xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abu Maansuur), ayaa bishii Decamber ee sanadkii tagay laga soo xiray Magaalada Baydhabo, waxaana uu kamid ahaa Musharixiinta Doorashada Jubbaland ee saameynta balaaran ku lahaa Doorashada, taas oo walaac ku abuurtay Xukuumadda Federaalka oo kursiga u waday Madaxweyne C/caziiz Lafta-gareen.