VIDEO: Madaxweyne Deni oo Shir guddoomiyey Shirka amniga Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. 

Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay.

“ Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntladn 
Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa faray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka