Wakiilka QM oo gaaray Magaalada Hargeyso (Sawirro)

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan oo Sabtidii shalay gaaray Magalada Hargeysa ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Somaliland iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulkaas, isaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.

James Swan ayaa markii uu ka degay Hargeysa waxaa uu booqday Xarun Xirfado kala duwan dadka lagu baro oo ay maalgelinteeda iska kaashadeen hay’adda qaxootiga ee UN-ka iyo Machadka Shaqaalaha rayidka Soomaaliland, kaas oo ay taageerayso Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee (UNDP).

Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay shaaciyeen Wariyeyaal ku sugan Magaalada Hargeysa.

Kulankooda ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa ay uga wada hadli doonaan Arrimaha la xiriira doorashooyinka oo shalay ay heshiis ka gaareen xukuumadda Soomaaliland iyo Madaxda Xisbiyda & wadahadallada Soomaliya iyo Soomaaliland oo mudo hakad ku jira.,

Waa booqashadii ugu horeysay ee Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan uu ku tago Hargeysa tan iyo markii xilkaasi loo Magacaabay, iyada oo Madaxtooyada Soomaaliland oo soo bandhigi jirtay booqashada wufuuda Caalamiga ah aysan weli ka hadlin Safarka James Swan uu ku tegay Hargeysa.