Askar u dhalatay Burundi oo lagu laayay Degmada Balcad

Ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in lix askari looga dilay weerar gaadmo ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaaday kolonyo ciidamada Burundi ah oo marayay meel u dhow degmada Balcad.

Afhayeenka ciiamada Burindi Col Floribert Biyereke ayaa VOA u xaqiijiyay weerarkan.

Ilo degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyay in 6 ka mid askarta Amisom lagu dilay weerarka oo loo adeegsaday qaraxyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka ay ku dishay ugu yaraan 10 askari

Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha dhexe Axmed Meyle Makaraan oo VOA ay wax ka weydiisay Khaasara Amisom weerarka ka soo gaaray ayaa ku soo koobay in qarax lagu dhuftay mid ka mid ah gaadiidka ay ciidamada Burundi isticmaalayeen.