Video:-Itoobiya oo beeraysa 4-Bilyan oo Geed

Ra’iisal Wasaare Abiye Ahmed ayaa hormuud u ah mashruucaan oo looga golleeyahay in looga hortago nabaad guurka iyo isbadalka cimilada.

Xafiisyada dawladda qaarkood ayaa la xiray si shaqaalaha madaniga ahi ay hawshaan uga qayb qaataan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in kaymaha Itoobiya ay baabe’een 35% guud ahaan dhulka dalkaas.

Mr Abiy ayaa daahfuay shaqada geed beerista waxayna qayb ka tahay hindisaha loo bixiyey Green Legacy Initiative, kaas oo laga qabanayo 1,000 goobood oo dalkaas ka mid ah.

Ujeedada Dowlada Itoobiya ee mashruucan,ayaa ah in la beero afar bilyan oo geed si ay qayb uga qaataan dib usoo kabashada Dhulka kaymaha ah ee baaba’ay.

Dalkii ugu horreeyey ee hal maalin beera dhirtii ugu badnayd caalamka ayaa noqday dalka Hindiya, dalkaas ayaana 2016-dii adeegsaday 800,000 oo qof oo iskaa wax u qabso ku shaqaynayey si ay u beeraan 50 milyan oo geed.

Wasiirka tiknooliyadda iyo Hal abuurka e Itoobiya Getahun Mekuria, ayaa bartiisa twitter-ka uga hadlay halka ay hawshu marayso.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka