Akhriso: Awaamiir dhinaca amniga ah oo lagu soo rogay Dhuusamareeb

Talisyada Booliska iyo Nabadsugida heer Federaal ee qeybaha ka howlgala Galmudug ayaa soo rogay awaamiir iyo digniino dhinaca amniga ah oo ku socda shacabka ku nool magaalada Dhuusamareeb.

Awaamiirta amniga ee la soo rogay ayaa ka kooban 10 qodob, waxaana ay yihiin amaro ku socda dadka ku nool Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Amaradan la soo rogay ayaa waxay kala yihiin:-

1: Qofkii Iska iibinaya Garigiisa kuna Sugan gudaha Dhuusamareeb waa in uu kusoo wargaliyaa Xafiisyada qaabilsan Diiwaangalinta Gaadiidka Ee Labada Xafiis.

2: Qofka leh Gaadiidka waa in uu Gaarigiisa ku xiraa Taargada Maamulka lamana ogolaan doono Gaari aan laheyn Taargo oo ah Aqoonsiga Uu Gaariga ku shaqeeyo.

3: Shirkad Ama Shaqsi Iska leh Milkiyadad Guri ku yaalla Caasimadda Dhuusamareeb rabana Inuu ijaarto (Kireeysto) Waa Inuu lasoo xiriiro ama tago Talisyada Hay’adaha amniga si loola socdo dhaq dhaqaaqa cida dagaysa Guriga Sida’ Shirkad,Hay’ad, INGO,Mas’uuliyiin ama Shaqsi Iska Caadi ah.

4: Cidii kireeysa Guri aysan la socodsiin Hay’adaha Amniga, iyaga ayaa mas’uul ka noqon doona wixii Gurigaas lagu Qabto Ama lagu arko,kuwaas oo la xiriira arrimo nabadgelyo darro.

5: Qofkii la qabto, Isaga oo hub ku dhex wata Magalada Dhuusamareeb sida’ qori_Bistoolad_Ama Bambo aan laheyn Sumad loo raaco Isaga Iyo hubkiisaba waxaa la wareegi doona Hay’adaha Amniga Ee ku sugan Dhuusamareeb.

6: Gaadiidka ay ku dhegan yihiin Muraayadaha Madow (Bensalka) waxaa lagu wargalinayaa Inay Iska diiwaan geliyaan Talisyada Amniga si loo siiyo Aqoonsiga Beensalka ama u ogolaanaya in Gaadiidkooda ay ku dhejiyaan Muraayadaha Madow.

7: Gaarigii ku dhex socda Xawaare Ama Karaar Kabadan 20 saacad socodka Gaariga Gudaha Magaalada waxaa loo arki doona Gaari ka qayb iaadanaya qalqal galinta Amniga.

8: Qof walba waxaa laga codsanayaa Inay si buuxda ula Shaqeyaan Hay’adaha Amniga si loo Ilaaliyo Badqabka Muwaadinka Naftiisa Iyo Maalkisa intaba.

9: Qofkii arka Gaari,Goob Ama Shaqsi uu ka shakiyo waa Inuu si deg deg ah ula Xariiro Hay’adaha Amniga si Loo baajiyo Qatar laga yaabo Inay Mahadho Reebto ama dhibaato culus u keento Bulshada Magalada Dhuusamareeb.

10: Askari kasta Ee ka tirsan Xero kamida qeybaha Ciidanka ee soo baxaya waa Inuu soo qaataa Aqonsigiisa Ciidanimo si aysan u dhicin is Maandhaaf iyo Isku Ekeyn Xiliyada Howlgaladu socdaan.

Amarkan ka soo baxay Hey’addaha Amniga ee ku socda shacabka Dhuusamareeb ayaa bilow u ah qorshaha la xiriira sugida amniga magaalada Dhuusamareeb, oo la doonayo in si tartiib tartiib ah ula wareegaan hey’addaha amniga dowladda Federaalka.