Ciidanka Jubbaland oo la wareegay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Ciidanka amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa Goor-dhaweyd la wareegay ammaanka Guud ee Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Ciidanka oo la sheegay inay ku hubeysan yihiin Gaadiidka Gaashaaman, ayaa Garoonka kala wareegay Ciidanka Itoobiya oo dhowaanahan ku sugnaa Garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedada Ciidanka ay ula wareegeen Garoonka ay tahay xogo soo baxay iyon dhaq-dhaqaaqyo ay sameeyeen Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Garoonka diyaaradaha.

Warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex-marayay Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya ay doonayaan inay fara-geliyaan Doorashada Maamulka Jubbaland.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News