Madaxweyne Deni oo caawa Su’aalo ay weydiiyeen Shacabku (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Kulanka Bulshada Rayidka ah, oo ah kulan uu kula hadlay Bulshada qeybaheeda kala duwan isla markaan dadweynaha uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen.

Kulanka oo lagu soo aadiyey Todobaadka Puntland, waxaa soo diyaariyey Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxaana ka qeybgalay Aqoonyahano, Waxgarad, Dhallinyaro, Haween iyo Siyaasiyiin.

Madaxweyne Deni ayaa jeediyay Khudbad uu uga hadlay dhismihii Puntland, 21-sano oo Puntland jirtay waxa qabsoomay iyo qorshihiisa waxqabad oo uu Madaxweynuhu iftiimiyey tallaabooyinka muhimka ah ee illaa iyo hada uu qaaday.

Dadweynaha ayaa si furan su’aalo u weydiiyay Madaxweynaha kuwaasi oo uu dhammaan uga jawaabay. dadkii ka qeybgalay kulanka ayaa soo dhoweeyay oo uga mahadceliyay Madaxweynaha fursada uu bulshada kula hadlay.