VIDEO: Dekedda Kismaayo oo laga soo saarayo Maraakiib hore ugu degtey

Waxaa maanta laga bilaabay dekeda magaalada Kismaayo soo saarista maraakiib hore ugu degtey gudaha dekeda taasoo dhibaato ay ku qabeen maraakiibta ku soo xeranaysa dekeda.
Injineero ajaaniib iyo Soomaali isku jira ayaa saakay ka bilaabay Marsadda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose dadaalo ay maraakiibta ku degtay Dekadda Magaaladda Kismaayo ay uga soo saarayaan.

Madaxweynaha Jubbaland Maxamed Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhowaan u jeediyay codsi beesha Caalamka in ay ka taageeraan sidii dekadda magaaladda Kismaayo uga soo saari lahaa yeen Maraakiibta ku bur burtay markii ay dhacday Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Ganacsatada Kismaayo ayaa soo dhoweysay howlahan loogaga saarayo maraakiibta fadhida gunta xeebaha Kismaayo iyadoo ay soo booqanayeen dekeda qaar kamid  ah ganacsatada magaalada.