VIDEO: Sheekh Cali Wajiis “Ma dhihin DF Soomaaliya waxay falal argagixiso ku tuhunsan tahay Qatar”

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis), ayaa beeniyay warbixin lagu daabacay wargeyska Alwaddan ee kasoo baxa dalka Sucuudiga, taasi oo lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tuhunsan tahay waddanka Qatar in uu taageero ururrada Argagixisada.