VIDEO: Madaxweyne Deni oo digniin u diray Ganacsatada Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay ganacsatada Puntland inay xoojiyaan Hal-abuurka Ganacsi si loo soo afjaro Shaqo la,aanta heysata Dhalinyarada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay dadaal ugu jireen inay Puntland yimaadaan Maal-gashadayaal, si uu u kobaco Dhaqaalaha Dalka, dhalinyaradu u helaan Shaqo Abuur.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa uga digay ganacsatada Puntland inay qeyb ka noqdaan Nabaad guurka Dalka, isagoona soo hadal qaaday xirmeysi ay degaanka ku sameeyeen qaar kamid ah Ganacsatada.