VIDEO: Puntland oo heegan buuxa galisay Hay’adaha ammaanka

Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amray Hay’adaha ammaanka Puntland inay galaan heegan buuxa.

“Dhammaan Ciidamada Puntland kuwa Xuduudaha jooga iyo kuwa gudaha ku sugan waxaa la farayaa in ay galaan diyaar garow dhamaystiran heegan-na ay ku ahaadaan goobaha loo qorsheeyey, dhammaan Shacabka Puntland-na sidii ay ula shaqayn jireen Laamaha Amniga inay sii dar-dar geliyaan oo gacan u siiyaan Ciidaanka” Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland